Run sheeguhu madhaarto Kan isku kalsoon na isma muujiyo. xikmado


Run sheeguhu madhaarto. 
Kan isku kalsoon na isma muujiyo.
Kan daacadi na Kama murugo.   
Kana waxa jecel na Kama caajiso.  
Muhiim ma'aha inaad leedahy saaxib aad ku dayato waxaa kuugu filan inaad leedahay saaxib kaaga fikira sida naftiisa uga fikiro.Sida saxiibke oo kale c/laahi faarax shire(santoz). 

Waxaan cimrigeygi kudhameeyay in aan wax barto si aan xanuun u dameerim, 
waxaan arkay nafteydii oo xanuun dareemeysa waxba maan baran.
 Majirto qof doorta qaabka iyo midabka qofka ama caafimaadkiisa  hadaanad  ku ixtiraamen qofka abuurkiisa ixtiraam alle hii abuuray.

Kali nimadu  wee xanuun badan tahay lakiin wee ka qurux badan tahay kuwa kusoo xasuusanaya markey dan  leeyihin oo kaliya. Aamusnida waqtiga guusha waa kalsooni aamusnida xiliga shaqada waa xirfad. 
Waxaa jira hadal aan waxba sheegeyn iyo Aamusni wax walba shegeysa.

Waqtiga iyo muhiimad siinta ayaa ka quruxbadan  kana qaalisan shay aad u hadiyeesa qof kujecel.
Kala fogaanshuhu wuu qurux badan yahay hadii isku dhawaanshuhu u egyahay wax la'aan. 
Waligaa ha iska lumin qof kuu dulqaaty adoo xanaaqsan, qof ku difaacay adoo maqan, qof kaa qosliyay  adoo murugesan.

Qofka aan kula joogeyn mugdiga uma baahnid iftiinka,qof aan kula joogeyn xaaladaha xun uma baahnid markad kabaxdo.    
Hadii aad rabto inaad u noolaato si isku dheelitiran noloshaada kasaar kuwa hadey kuu baahdan kuhelaya hadad u baahatana aanad heleyn.

Hadii aad shay aad jeceshahay aad heliwaydo haniyad jabin maalin un wuxuu ilaahey kuugu arsaaqayaa shay aanad xaqiiqsaneyn inaad leedahy.
Doqonku wuxuu kahadlaa wuxuu sameen doono kibraaniga ne wuxuu sameenaayo kan caqliga leh na waxbuu qabtaa mana hadlo.

Furaha Guuldaradu waa isku dayga inaad raali galiso qofkastoo garaneysid.
Guushu ma,aha sheykasta lakin doonista guusha waa waxkasta.
Hadaad ku guuldareesato rumeynta riyooyinkaaga bedel wadooyinka ujeedoyinkaga,dhirtuba wey badashaa caleemaheda lakin mabadesho qolofteeda.

Qofka noolaada bilaa hadaf/ujeedo wuxuu dhintaa isagoo bilaa sharaf ah sidaa darteed yeelo ujeedo cad.
Wxey ku niyad jebinayaan kumanaan jeer balse waa inaadan is bedelin
Waa noloshaadi cidna hakayeelin iney kubarto sidaad u noolaan laheed had iyo jeer dooro sidaa adiga jeceshahay.

Ha is dhiibin waxyaabaha waa weeyni waxey qaatan waqti
Ogoow Had iyo jeer waxaa jira qalbiyo aan ku nacayn xataa hadaad xumeyso iyo qalbiyo aan ku jeclaanen xitaa hadaad wanaajiso.
Hadaad hadasho adoo xanaaqsan waxaad dhihi doontaa hadalka ugu weyn waxaad ne ka murugoon doontaa noloshaada oo dhan.

Hafurin qalbigaaga ilaa aad kahubineyso nadiif sanaanta cida soo galeysa.
Kuwa guuleystay kedib markey guuldareesten wey badeleen fikirkodii ugu horayntii.
Hadii aad rabto inaad guuleysato waa inaad raacdaa qaacida waligaa been ha usheegin naftaada.
Hadafkeygu waa in aan cidna kafiicnaan,balse aanka fiicaanado sidiii aan ahaan jiray.
Hadii aanad daba Socon waxa aad rabto waligaa helimeysid.
xusuusnoow in xaalada aad hada kusugan tahay eysan eheen Tii ugu dambeysa ee noloshaada wixii kuugu fiicnaa way kusoo socdaan.

Ha quusan bilowgu badanaa waa waxa ugu adag horay usoco.
Previous Post Next Post