Erayo jaceyl oo aad u macaan romantic, ayagoo english iyo soomaali ah.



Waxaan dareemaa amni iyo nabadgalyo marka aan agtaada joogo
Adiga inan ku jeclaaday hadey qalad tahay marnaba marabo inaan saxnaado.
Wanku jeclahay waliba aad ayaan kuu jeclahay aniga.
Waxan jeclahay inn ku ogeysiiyo,anigu inaan aad kuu jeclahay.

Waan dhoola cadeyaa markaston adiga kaa fikiro.
Marabo inan kuwaayo,mana awoodo inan kaa maarmo.
Qofka ugu muhiimsan nolosheyda ayaad tahay,waligaane waad ahaan doontaa.
Waxaad ii tahay wax walba, oo aan u baahanahay.
Majoojin karo kafikirkaaga.

Waxaan jeclahay in aan ku arko adigoo faraxsan,waxa ugu quruxda badan ee aan arkana waa dhoolacadeyn taada.
Waan jeclahay wax walboo adiga kuugu saabsan.

Waa sax ,Jacelkeygi koowaad ma'adan noqon lakin wankuu balan qaadi karaa keygi u dambeeyay ind noqon doonto hduu alle idmo.
Markaston ku arko adiga wanku sii jeclaadaa.
Maal maheyga waad ii qurxisaa waxaad tahay boqoradeydi quruxda badan.
Nolosheydi ayaad badashay macaan badan teydi. 
Farxada Qalbigeyga ayaad tahay, runtii maqiyaasi karo sida aan kaaga helay.

Inan adiga kula nolado oo aan adiga ku jeclaado waa jacel aan dhamaan waa qurux aan laga jeesan karin.
Waxaa tahay sababta aan udhoola cadeeyo mar waliba.
Jacelkaadu malaha cadad aan ku qiyasi karo 
Runti macanto sidaa i jeceshahay si ka weyn ayan kuu jeclahay.

Waxaan jeclahay eegmadaada naxariista leh
Waxan Tebaa codkaada degenaanta leh waxaan u xiisaa erayadaada quruxda badan.
Hadii aan noqono wadajir jacelkeenuna na wehliyo waxaan ka guuleysan karnaa caqabad kasta.

Macnto ila jir ilaa abid hubaal weynu guuleysaneynaa.
Hadii aan adiga kuheesto wax kasta ne waan heestaa dhabtii wanku jeclahay quruxdii Qalbigeyga macantii nafteydaay.
Adiga la'aantaa majiro jacel adiga hadaa

 dhinaceyga joogin ne majirto farxad.
Waxaad igu ogolatay wax kasto an ahay waxaad u dulqaadatay wax kasto  dhib ah aan leeyahay runtii ma'aqaano sidaan kuugu abaal gudo.
Waan hubaa nolosheyda inaad horumarineeso
Oo aad mar waliba dhinaceyga ahan doontid.
Wanku aaminsanahay aniga.

Waxaan jeclaan lahaa inan kula joogo ama aad adiga ila joogto.
Wanku jeclahay in kabadan inta aad waligaa ogaan doonto
Maqiyaasi karo nolosheyda adiga la,aantada sida ey ahaan laheyd
Waa caadi mararka qaar waan isku xanaaqnaa lakin waxaan rabaa marnaba in aanan kala tagin.

Maalintaan kula kulmay waa maalintii iigu fiicneyd nolosheyda waxaan rajenaa sida aan isku jecelnahay inaan waligeena isku jeclaan doono.
Jacelka dhabta ah waxa uu yahay adigaan kaa bartay macaanto waxaad isiisay naxariis aan cid kale kahelin waxad itustay riyo qurux badan nolosheydi waxaad ka dhigtay mid dagan.

Dunideyda ayaad ii qurxisaa waxaad tahay lama helaan teydi aniga ayaa kudoortay waligaa ne waanku dooran doonaa gacalisadeydi quruxda badan.
Dhamaan inta lacag iyo dahab dunida yaala magooyi karaan jacelka aan adiga kuu qabo.

50 Oraahood oo Jacayl ah 

  1. Jacayl dhab ah ma dhammaado, qalbiyada ayuu ku noolaadaa.

  2. Qofka aad jeceshahay waa qayb ka mid ah noloshaada.

  3. Qalbi jacayl leh mar walba wuxuu arkaa quruxda dadka kale.

  4. Jacaylku ma aha erayo badan, waa ficillo muuqda.

  5. Kalgacal iyo daacadnimo ayaa xiriirka sii adkeeya.

  6. Qof ku jecel wuxuu ku garab istaagaa waqtiga adag.

  7. Jacaylka ugu quruxda badan waa kan ku dhisan kalsooni.

  8. Farxadda qalbigu waxay ka timaaddaa qofka aad jeceshahay.

  9. Qalbiyada is jecel masaafadu ma kala fogeyso.

  10. Jacaylku waa hadiyadda ugu qaalisan ee la bixiyo.

  11. Daacadnimadu waa tiirka ugu weyn ee jacaylka.

  12. Qofka ku fahma waa hanti aan la iibsan karin.

  13. Jacaylku wuxuu qurxiyaa nolosha.

  14. Kalgacal yar ayaa bogsiin kara qalbi dhaawacan.

  15. Qofka aad jeceshahay u sheeg qiimaha uu kuu leeyahay.

  16. Jacaylka runta ahi ma yaqaan khiyaano.

  17. Qalbiga wanaagsan wuxuu abuuraa jacayl waara.

  18. Farxaddu waxay labanlaabmaysaa marka lala wadaago qof la jecel yahay.

  19. Jacaylku waa luqad ay qalbiyadu ku wada hadlaan.

  20. Noloshu way macaan tahay marka jacayl jiro.

  21. Qofka saxda ahi wuxuu ku siinayaa nabad qalbi.

  22. Jacaylka iyo ixtiraamku waa laba aan kala maarmin.

  23. Qalbiga daacadda ahi ma qariyo jacaylkiisa.

  24. Jaceylku waa iftiinka mugdiga ka saara qalbiga.

  25. Kalgacal la’aan nololdu dhadhan ma leh.

  26. Jacaylku wuxuu ka xoog badan yahay caqabadaha.

  27. Qofka ku jecel wuxuu ku arkaa sida aad tahay.

  28. Daacadnimo ayaa jacaylka ka dhigta mid waara.

  29. Jacaylka dhabta ahi wuxuu keenaa deganaansho.

  30. Qalbi wanaagsan ayaa mudan jacayl dhab ah.

  31. Jacaylku ma cabbirmo, waa la dareemaa.

  32. Kalmad wanaagsan waxay dhistaa jacayl weyn.

  33. Jacaylka ugu quruxda badan waa kan aan shuruudaha lahayn.

  34. Qalbiyada is fahma ma kala tagaan.

  35. Jaceylku waa safar qurux badan oo laba qalbi wada maraan.

  36. Daacadnimo la’aantu waxay dhaawacdaa jacaylka.

  37. Jacaylka runta ahi wuxuu keenaa kalsooni.

  38. Kalgacal yar ayaa abuuri kara farxad weyn.

  39. Qofka aad jeceshahay waa muraayadda qalbigaaga.

  40. Jacaylku wuxuu nolosha ka dhigaa mid macno leh.

  41. Qalbiga jacaylka leh wuxuu cafiyaa qaladaadka.

  42. Jacaylku waa geed lagu waraabiyo daryeel.

  43. Kalgacal iyo samir ayaa dhisa xiriir adag.

  44. Qof ku jecel ma iloobo qiimahaaga.

  45. Jacaylku waa hanti aan lacag lagu iibsan karin.

  46. Farxadda ugu weyn waa in lagu jeclaado sida aad tahay.

  47. Jacaylka runta ahi wuxuu ka adkaadaa waqtiga.

  48. Qalbiyada is jecel mar walba way isu soo noqdaan.

  49. Jaceylku waa quruxda ugu weyn ee qalbigu dareemo.

  50. Qofka ku jecel wuxuu qalbigiisa kuu furaa si daacad ah.

                                     

                              Agtaada ayaan daganaan iyo farxad kudaremaa
                              Waxaad ii noqotay qof aan si gaar ah uxiiseeyo
Macaan badan runtii  indhahaaga waxay igu rideen jaceel waalan Qurudaada waa halis

Qalbi waxaad tahay qofteyda gaarka ah 
Nafteydii qalbigaaga oo kaliya ayan rabaa 
Waqtiga aan adiga kula qaato wuxuu ii yahay mid gaar ah, gacalisadeydi madoonaayo inan kuwaayo. Codkaada waan ku waalanhay runtii 
Waxaan jeclahay xiriirkeena inuu noqdo midka ugu quruxda badan dunida,Waa balan intaan noolahay kaama tagi doono anigaa


Previous Post Next Post