Aamin naftaada waxaad ne noqon doontaa Qof aan lajoojin karin xikmado xul ah

 

Waligaa saddex waxyaabood gaar hakuu ahaadan;
Nolosha jacelkaada
Lacagtaada bangiga
qorshahaaga xiga


Ku qalqali aamusnidaada oo kaga nixi ficiladaada.
Waxey rabaan inaad fiicnaato balse marnaba marabaan,Inaad kafiicnaato xasuusnow taa.
Noloshaadu ma aha noloshaada hadii aad badanaa daneyso Waxey dadku kuu maleeyan.
Waligaa qofna ha usheegin dhibaatooyinkaaga 80% madaneynayaan,20% way kufaraxsan yihiin in dhibkaas kuheeasto.

Dabeceeda xun waa sida taayar banjaray oo kale Meel fog kuma tagi kartid hadii aanad badalin.
Carabku malaha lafo,balse waxa uu aad ugu Filan yahay inuu jabiyo qalbi sidaa darteed kataxadir erayadaada.
Waligaa ha dhaawicin qof ujeedadiisu eheyd kaliya In uu ku arko adigoo faraxsan.

Hadafkeygu waa in aan cidna kafiicnaan,balse aanka fiicaanado sidiii aan ahaan jiray.
How ogolaan in waxa aanad qaban karin
 ey kaa joojiyaan Waxa aad qaban kartid.
masaafada u dhaxeysa riyooyinkaaga iyo xaqiiqada Ayaa waxaa la yidhaa ficil.

Inaad qof wanaagsan qiyaantaa waa sida adigoo dheyman tuuray Oo kale aad qaadatay dhagax.
Aamin naftaada waxaad ne noqon doontaa Qof aan lajoojin karin.
Saddex sharci ey Noloshu leedahay;
1.Hadii aanad daba Socon waxa aad rabto waligaa helimeysid,
2.Hadii aanad wax weydiin jawaabta markasta wxey ahaan donta
Maya, 3.hadii aanad talaabo horay uqaadin waxaad badanaa Joogi doontaa meel isku mid ah.

Dadaal yar aad maalin kastaa sameyso ayaa isku darkiisa Kusiinaaya natiijo weyn.
Waligaa guuleysan meysid hadii aanad waligaa bilaabin.
Hadey wax kaa qaldan yihiin hagaaji naftaadana ku tababar Inaysan walwalin, walwalku waxba mahaagiyo
Dhibaatooyinka noloshu kuguma yimaadaan Iney kuburburiyaan,balse waxey kuugu yimaadan Iney kaa caawiyaan inaad ogaato kartidaada iyo awoodahaaga.

Ha quusan bilowgu badanaa waa waxa ugu adag.
Erayadu waa sida furayaasha oo kale hadii aad si sax ah U doorato waxey furikaraan qalbi kasta Waxeyna aamusiin karaan afkasta.
Waligaa ha jawaabin markaad xanaaqsan tahay, waligaa balan haqaadin Markaad faraxsan tahay, waligaane go'aan hagaarin markaad Musugeysan tahay.

 Badanaa xusuusnoow in xaalada aad hada kusugan tahay eysan eheen Tii ugu dambeysa ee noloshaada wixii kuugu fiicnaa way kusoo socdaan.
waad ku faraxdaa marka aad la soo baxdo dhamaan dadaalkaga si aad u caawiso qof lakiin marka aad adiga caawimad u baahatid ma heleysid qof dhankaga u soo milicsada.
Xiriirka dhabta ah wuxuu leeyahay ilmeyn,dagaal,muran,samir Maseyr,xanuun iyo waxa ugu muhiimsan oo ahi jacel.

Xaqiiqadu waa sida qorraxda oo kale, afka waad ka xidhan kartaa in muda balse kuma dhiiran kartid in aad runta qariso
Casharada qaarkood lama baran karo, balse waxay si fudud u baahanyihiin in buug iyo qalin loo qaato.

Waxaan diyaar u ahay in aan seexdo weligay, hadii aad rabto in aad ii ahaato riyadeyda
Dadka Qalbiga fiican wax badan bay dadka caawiyaan, wax badan bay bixiyaan, si dhab bay wax u jeclaadaan hadana waxaa soo gaara waxyeelada ugu badan, waxayna awoodaan inay ku qariyaan kun dareen oo murugo ah hal dhoolacadeyn oo farxad ah

Ku qanacsanow waxa aad heysato, hana ka fakirin waxa aadan heysan. Waxa aad heysato waxa ay ka timi nimcada Alle, waxa aadan heysan oo kaa maqan waxa ay ku timi Xikmada Alle.
Mararka qaar dad kaa fog , ayaa ku siin kara farxad aadan ka heli karin kuwo dhinacaaga jooga.

Ha quusan, quusashadu waa inaad ka gaalowday naxariistii Rabbi.
Cabirka Shumaca waa kala duwanaan karaa laakiin waxay bixiyaan iftiin isku mid ah, ma aha Halka aad joogto iyo derajada aad leedahay laakiin waa Tayadaada & dadnimadadaada waxa kaa dhiga inaad iftiin u noqoto Umada.

Xumaan ama wanaag wax waliboo sameesid waad heli doontaa Iyadoo hal qaab ama qaab kle ah taasoo kuu macneen doonta Sababta uu dhulka uyahay mid wareego.
ninka dhabta ahi madaryeeli doono taariqdaadii hore Hadii uu waqti xaadirka lajoogo uu ka fekero mustaqbalka.

dhamaanteen waxaan ku noolnahay hal aduun Balse mar qura mawada aragno qoraxda.
ma ilaalin kartid labo arin hal waqti gudaheed Hadii aadan go'aan sameeyn waad lumin labada arin.
dadka wey kusalaami doonaan kula tartami doonaan Ku nici doonaan kuna jebin doonaan balse difaacaagu  Waxuu ka rurjumi doonaa shaqsiyadada iyo sidey dadka kuu arkaan.

balantoo aan kabaxno waxey horseedi kartaa xusuutoo Nalaga dhaawaco.
dadku waxa ay heysteen kaliya waxey ogaadaan markey Lumiyaan,sidaas darteed heeso waxaaga hana lumin waligaa.

ugu dambeyntii kala baro dadka waxaad arki doontaa Cida saxda ah ama Beenta ah,kan qatar ugelin kara naftiisa Adiga dartaa.
jacel la,aaan waxbo madareemno, riyo la,aan guul magaari karno Rabi la,aanne, aduunkaan majireen.

Waligaa ha joojin inaad wax barato sababtoo ah Noloshu ma joojiso iney wax kubarto.
Xanuun iyo dhibaato kastaa cashar ayuu kuu noqdaa Cashar kastana wuxuu badalaa qofka noloshiisa.
waxaa laga yaabaa inan noqon waayo qof dhammaystiran Lakin mar walibo waan ahay anigii.

Waligaa ha nicin dadka kaa maserysan,sababtoo ah waxey kaaga Maseyrsan yihiin waxey aaminsan yihiin inaad kafiican tahay
Qofne ha usheegin qorshahaaga balse taa badalkeeda tus Natiijooyinkaaga aad gaarto.
Ha quusan hana is dhiibin maalintaadu wey imaan doontaa Waqti oo kaliya ayaa kaa xiga.
Hadii aad qof caawineyso oo aad fileyso inaad badalkeeda Hesho, waxaad sameyneysaa ganacsi ee naxariistii maad sameyn.

Aqliyada xoogani waxey kadoodaan fikradaha 
Aqliyada dhexe waxey kadoodaan dhacdooyinka
Aqliyada daciifka ahine waxey ka doodaan dadka.
Ninka doqon ka ah waxa lagu gartaa hadalkiisa ninka Caqliga badana waxa lagu gartaa amusnaantiisa.

Kadigtoonow cilmiga beenta ah sababtoo ah wuxuu aaad Uga qatar badan yahay jaahilnimada.
Qofka caqli badan ma yiraahdo waxkastaan aqanaa doqonka oo Kiya ayaa yiraahdo waxkastaan aqanaaa.
Inaad kuftaa waa shil balse inaad sii fadhido waa doorasho.

Indhuhu waa bilaa faaido markey maskaxdu indho la,dahay 
Maantu waa beridii aad kahadleysay shalay.
Shimbirtu dul saaran geedka marnaba kama baqeyso Iney laanta jabto sababtoo ah iskuma aaminin laanta,Waxey isku aamintay baalasheeda,Markasta aaminsanow naftaaada.
Farxadu ma aha in aad hesho dhaman waxa aad rabto Ee waa inaad kuraaxeysato intaad heysato.

Qofkastaa aad lakulanto waxa uu kujiraa dagaal Aanada waxba ka ogeen had iyo jeer noqo qof naraxriis badan.
Labada dagaal yahaan ee ugu awooda badan waa Samirka iyo waqtiga.
Si kastaba aad u mashqulsanatide waa inaad waqti Uheshaa wax aqriska ama waa inaad naftaada udhiibtaaJaahilnimo aad adiga dooratay.

Waligaa furaha farxadaada ha gelin qof kale jeebkiisa.
Dadka qaar waxey kufiican yihiin dugsiga dadka qaarne Waxey ku fiican yihiin Nolosha.
Inaaan dadka qaar kajaro nolosheyda micnaheedu ma ahn Inaan iyaga necbahay ee waaa inaan qadarinaayo nafteyda.

Inaad lamuranto dadka doqomada waa sida adigoo kaneeco dhabankaaga Kudilaayo, waalaga yaaba inaad disho iyo inaadan Dilin balse waxaa hubaal ah inaad ugu dambeyn naftaada Dhirbaaxeyso.

Hadii aad raadineyso saaxib aan cilad laheyn waxaad Noqon doontaa bilaa saxib.
U feker oo u hadal si dagan
Usoco si tartiib ah una jeclaaw si badan
U dhoola cadeey si joogta ah
U shaqeee si adag oo ubixi si qarsoon
u naxariiso si guud , oo u niyeeso alle dartiii
Qofka kucaawiyo ha hilmaamin

Noqo mid u naxariista dadka xitaa hadii eysan 
Igaya kuu naxariisan
Ha ubadalin naftaada iyo dabeecadaada dadka kale dartood
Adkeey oo xooji xiriirka alle (swt) iyo adiga idinka dhaxeeyo 


Previous Post Next Post