Qaar kamid ah oraahyadii caanka ahaa ee (robert mugabe) kuwa ugu qosolka badan



Hadii sheydaanku taajir ahaan lahaa waxaad arki laheydeen ayadoo dumarku ay  ugu wacayaan magacyo qurux badan sida shaydaankeyga, sheydaan qurux iyo kuwoo kale oo lamid ah.

Hadii aad fool xun tahay gurigaaga ha isku qarin  banaanka usoo bax oo wareeg waxaa laga yaabaa inaad kasoo muuqato film horror ah. Qubeyskii ugu Horeeyay qofba kuu qubeeyay qubeyska ugu dambeeyana xiliga dhimishada qofba kuu qubeyn doona hadaba adiga ha kibrin ahoow mid is dhuldhiga.

Africa waa meesha kaliya ee laga helo nin San weyn hadane gabadh ku leh adiga la,aantaa maneefsan karo. 
Cunsiriyadu waligeed dhamaan mayso ilaaa iyo inta dharka madow laga hor dhaqaayo dharka cad.

 Hadaad aragto nin daaqada gaariga kafuraayo gabadh marka ey dageyso iyo marka ay raaceyso, kama ahan jacel gaariga ayaa cusub ama gabadha ayaa cusub.
Hablaha gaagaaban ee dhexda qabsada marka ey sawir galayaan waxaan idin leeyahay joojiya markaan idin arko waxaan idinku soo xasuustaa bakeeriga shaaha ee dhagta leh.

Hadii laxeri lahaa goobaha lagu gado makeupka caruur badan ayaa hooyadood kasi waayi lahaa. Africa waa meesha kaliya ey gabar dhar ka amaahsatay saxibteed ey lakulmeyso wiil qol ka amaahsaday saxibkiis.

Inaaad gabdho badan shukaansato waa xeellad aad ku jehwareerineyso cadawgaaga si aysan u bar tilmaameysan gaclisadaada gaarka ah lakin gabdhuhu mafahmaayaan xeeladaas.
Waan necbahay wiilasha aan gawaarida wadan waxaa sidaas tiri gabar aan xitaa baaskiil wadan.

Hadii aad fool xun tahay lakin aad lacag leedahay gaclisadaada kuuma waayeyso waxey kuugu amaanto waxaa macquul ah iney kutiraahdo gacaliye xitaa hadh kaagu wuu qurux badan yahay.

Daanyeeku haduu hanti lahaan lahaa dumarka qaar  waxaan ku arki laheen keymaha.
 Ha dhunkan gabar africaan ah adoo indhaha isku haaya mxaa yeelay shalay  ayaa sidaa mobelkeyga la igaga xaday.

Magaraneysaa Sababta uu nabi aadam uugu noolaa nolol farxad leh  oo wanaagsan Sababtu inuusan laheen sodoh. 
Musaaricadu waa wax lagu qoslo waa meel ey joogaan niman u dagaalamaya suun iyagoon surwaal wadan.

Hadaad dooneyso inaad shumiso gabar kaa dheer waa adigoo doonaya inaad biiyo kacabto shower ka  qubeyska.
Africa hadaad aragto lamaane guriga hortiisa wada fadhiya habeen ha u maleynin jacel ee waxaa kamaqan jorontadii.

Hadii aad noloshaada ka qeyb gashay in kabadan boqol aroos oo aadan  wali guursan, kama duwanid taashka iyo daahyada lagu qurxiyo arooska.
Hadii aad tahay nin xaasle ah oo aad isku aragto inaad xiiseyneyso lablaha iskuulka, keliya usoo iibi xaaskaaga lebiska iskuulka.
Previous Post Next Post